Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Puntland Dr C/caasir Cismaan Cuuke oo xilka ku wareejinayay wasiirka cusub ee Wasaaradda Dr, Jaamac Faarax Xassan.
Dr Cuuke oo khudbad ka jeediyay munaasabadii xilwareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa ka sheekeeyay shaqooyinkii ay wasaaradu u qabatay shacabka Puntland iyo guud ahaan mashaariicda ay ka wado gudaha Puntland.
Wuxuu sheegay in shaqaalaha wasaaradda caafimaadka oo ko u dhaafaya 700 qof ayan wax mushahar qaadan muddo 48 bilood ah, isagoo soo bandhigay cadadka lacagta ku maqan dowladda Puntland
”Lacagta ka maqan shaqaalaha wasaaradda caafimaadka waxay ka badan tahay labo milyan, waa xaq ay leeyihiin shaqaaluhu, waxaanuna ku wareejinay wasiirka cusub” ayuu yiri wasiirkii hore ee caafimaadka puntland.
Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa lagu tiriyaa hay’adaha dowladda ugu dakhliga badan Puntland, iyadoo mashaariic badan ka hesha hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya