• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Monday, March 1, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda DF Oo La Kulmay Jaaliyadda Ohio+SAWIRRO

February 18, 2019
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiqaadir  Sheikh Ahmed oo soo gaaray magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Jaaliyadda gobolka, waxaana mudadii kulanka uu socday ka warbixiyay xaaladda dalka guud ahaan iyo marxaladihii ay dowladdu soo martay mudada labada sano ahayd ee ay jirto

Wasiirka ayaa xusay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay horey u socoto, isla markaana shaqo ay dadku qabtaan ay ku socon karto, taas oo qof walba looga bahanyahay qeyb in uu ka qaato si ayuu yiri caalamka loola jaan qaado.

Mohamed saalix oo ka mid ah dadka soo abaabulay kulanka ayaa xusay in ay dowlada ku taageerayaan tilaabooyinka ay qaadneyso, isaga oo xusay in wax baddan oo ay dowladu qabatay ay taageersan yihiin kuna ammaanayaan.

Ka soo qeyb galayaasha kulankan soo dhaweynta ayaa wasiirka su’aalo badan ka weydiiyay xaaladda dalka, sida, Arrimaha Amaanka, Ciidamada, Siyaasada dibada,Arimaha Heshiisyada caalamigaa, xariirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay hadalkii dhawaan ka soo baxay dowlada Kenya ee ay Soomaaliya xariirka ugu jartay ayaa muujiyay in Dowlada Soomaaliya aysan wax qalad ah ku lahayn talaabadaasi sidii ku haboonaydna ay uga jawaab celisay, iyada oo aysan dhici doonin ayuu yiri in gorgortan laga galo Kheyraadka iyo xaduudaha Soomaaliya.

Warbixin dheer kadib waxa uu qurba joogta ku dhiirogaliyay in ay dalka ku soo laabtaan, isla markaana wax baddan ka ogaadaan xaalada dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Kenya oo ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwadda badda iyo inkale

ICJ oo ku dhawaaqday xiliga ay dhaceyso dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

March 1, 2021
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo soo saaray awaamiir la xiriirta COVID-19

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo soo saaray awaamiir la xiriirta COVID-19

March 1, 2021
Maxaa looga hadlayaa maanta shirka u socda musharaxiinta iyo xukuumadda?

Maxaa looga hadlayaa maanta shirka u socda musharaxiinta iyo xukuumadda?

March 1, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In