Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Bandhiga ee magaalada Muqdisho waxaa uu ka hadlay arrimo ku saabsan dib u heshiisiinta.
Waxaa uu soo dhoweeyay howlaha dib u heshiisiinta qaran oo ay waddo wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay qaabka dib u heshiisiinta ay uga hirgali karayso dalka, isagoo ka digay in waxyaabo xaqiiqada ka fog loo isticmaalo hannaanka loo marayo dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa xukuumadda ugu baaqay dardargelinta dib u heshiisiinta isagoo hoosta ka xariiqay in lagu dadaalo sidii Soomaali hantida ay iska kala heysato xataa loo kala celiyo si nabad waarto dalka uga dhacdo.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA OO DHAN
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya