• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, February 25, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

SAWIRRO: RW Kheyre Oo Xarriga Ka Jaray Xabsiga Guud Ee Muqdisho

February 23, 2019
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay maanta munaasabadda xuska 49-aad ee aasaaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray xabsiga guud ee Muqdisho iyo maxkamad casri ah oo laga hir-geliyay gudaha Taliska Guud ee Asluubta.

“Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed waxa ay la haayeen magac iyo maamuus, dad badani waxa ay aaminsanyihiin in ay maxaabiis ilaaliyaan. waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay toosin, waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay barbaarin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay anshixin iyo wacyi gelin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay inay dib-u-caawiyaan dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waan halkaan idinkaga hambalyeynayaa maantay in aad soo dhamaystirteen xabsigii la rabay in lagu xanaaneeyo dad Soomaaliyeed laakiin ay ka muuqato qaabka uu dalkeennu dib ugu soo dhismaayo, waxaan uga hambalyaynayaa ciidamada asluubta iyo wasaaradda caddaaladda iyo bahda caddaaladda oo dhan oo halkaan joogta oo naftooda dalka u huray, annaga oo tacsina u dirayna kuwii ku geeriyooday oo uu ugu dambeeyay xeer ilaaliye ku-xigeenkii, in xabsigii iyo maxkamaddii ay isku dhex taallo, macnaheedu waxa ay tahay in cadddaaladii ay tallaabo horay u qaaday, waan idiin hambalyeynayaa, Soomaaliya waxa aan leeyahay Ilaahey ha u barakeeyo”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ciidanka asluubta ugu hambalyeeyay munaasabadda 49 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u ballan qaaday in madaxda qaranku kala shaqaynayso gudashada waajibadka qaran ee saaran iyo helidda dhammaan xuquuqaadaka ay leeyihiin isaga oo xasuusiyay in ciidanku ay yihiin laf-dhabarta dawladnimada dalka.

Xabsiga guud oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro, una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, ayaa meesha ka saararaya dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed, waxaana halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka guud ahaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

February 19, 2021
Dibadbaxyo ay hogaaminayeen qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo rasaas nool nool lagu kala eryay

Dibadbaxyo ay hogaaminayeen qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo rasaas nool nool lagu kala eryay

February 19, 2021
Hooyo Uur laheyd oo COVID-19 Muqdisho ugu geeriyootay

Hooyo Uur laheyd oo COVID-19 Muqdisho ugu geeriyootay

February 18, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In