Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay fagaare ku yaalla magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.
Ugu horreyn, wuxuu ka hadlay Waxyaabaha ay ka wada hadleen Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Kulankii dhowaan ay la yeesheen, Wuxuuna ku sifeeyay inuu yahay Nin Nabadoon ah.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Wada hadalka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargaysa, Wuxuuna xusay inay goorkastaba Diyaar u yihiin Wadahadalka, isagoo sheegay Somaliland ay leedahay Dastuur, kaasi oo dhigaya in shacabku ay Cod u qaadayaan hadii ay Koonfur La Midoobayaan, Balse aysan Baarlamaan iyo Xukuumad midna go’aan qaadan karin.
Dhinaca koonfurta Dastuurku waa Qabyo, Cod dad wayne ma wataan oo Baarlamaan ayaa doortay, Halka Somaliland ay dadku doorteen, sida uu hadalka u dhigay.
HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya