Axmed Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta booqday waaxda dhul bixinta xarunta dowladda hoose magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta booqday waaxda dhul bixinta xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo.
Amar kasoo baxay dhowaan Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa dowladda hoose lagu furay in ay si dhaqso leh ku billaabaan sharciyeenta dhulalka iyo dhismayaasha magaalada Gaalkacyo oo aysan iminka kaddib jiri doonin cid meel aysan laheyn iska sheegata.
Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta billaabay qaadashada warqadda lahaanshiyaha dhulkaas oo si toos ah ay ugu sharciyeeyeen waaxda dhul bixinta ee Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo waxa uuna shacabka reer Gaalkacyo uu ugu baaqay in ay dhulalkooda sharciyeestaan si hadii isqabsi yiraado sharciga loogu kala baxo.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya