• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Tuesday, March 2, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Wasiirka Duulista DF Oo La Kulmay Jaaliyadda Washington (Sawirro)

February 26, 2019
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Isu imaatin ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle ee Gobolka Washington carriga Mareykanka ayaa lagu soo dhoweynayay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Mareykanka.

Waxgaradka, Haweenka, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo madasha soo dhaweynta ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu Wasiirku qabtay muddadii uu xilka hayay iyo guulaha ay gaartay dawladda Soomaaliya.

Jaaliyadda ayaa si gaar ah Wasiirka ugu amaanay dadaalada mira-dhalay ee la wareegida Hawada Soomaaliya iyo soo celinta hadda loogu jiro Shirkadii Diyaaradaha ee Somali airlines oo uu dadaal badan galiyey.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Wasiirka, wuxuuna ku ammaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed  dadaalka ay ka wadaan dalka iyo dibaddisa. ..

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad wuxuu Jaaliyadda warbixin ka siiyey howlaha shaqo ee ay qabatay dowladda Federaalka iyo howlaha muhiimka ah ee ay qabatay Wasaaraddiisu, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan taageerada ay la garab taaganyihiin dowladooda.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Kenya oo ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwadda badda iyo inkale

ICJ oo ku dhawaaqday xiliga ay dhaceyso dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

March 1, 2021
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo soo saaray awaamiir la xiriirta COVID-19

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo soo saaray awaamiir la xiriirta COVID-19

March 1, 2021
Maxaa looga hadlayaa maanta shirka u socda musharaxiinta iyo xukuumadda?

Maxaa looga hadlayaa maanta shirka u socda musharaxiinta iyo xukuumadda?

March 1, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In