Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo kamid ah gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag kaga hadashay kufsigii iyo dilkii waqooyiga `Gaalkacyo loogu geystay Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 12 jir oo ardayad ahayd.
Waxay sheegtay in musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ay ugu wacan yihiin gaboodfallada ka dhan ah xuquuqul insaanka ah ee ka dhacaya Soomaaliya.
Xildhibaan Sacdiya Samatar ugu baaqday madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu sharci adag ka soo saaro arrintani.
Sidoo kale waxay baaq u dirtay isimada iyo culimada degaannada Puntland ku nool.
Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo degaan doorashadeedu tahay Puntland ayaa noqonaysa xildhibaankii ugu horreeyay ee ka hadla dhacdada xanuunka badan ee waqooyiga Gaalkacyo.
HOOS KA DHAGEYSO:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya