Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, aya maanta magaaladani Muqdisho gaar ahaan xafiiskiisa kula kulmay danjiraha dowladda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Amb. Aaden Xasan Aaden.
Labada masuul ayaa kulanka ay yeesheen waxay xoogga ku saareen xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa safiirka Jabuuti u sheegay in Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Jabuuti kaalinta wacan oo ay la garab taagan tahay.
Danjire Aaden Xasan Aaden ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibouti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Inkastoo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu hagaagsanaa ayaa sanadkii la soo dhaafay uu soo kala dhex galay madmadoow siyaasadeed kaddib markii dowladda Jabuuti ay ka carootay hadal madaxweyne Farmaajo ka sheegay dabayaaqadii bishii July ee sanadkii tegay 2018-ka magaalada caasimadda u ah dalka Eretria ee Asmara.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya