• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Monday, March 8, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Wasiirrada Cusub Ee Koonfur Galbeed Oo La Ansaxiyay

February 27, 2019
in Wararka
0
495
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Gollaha sharci dejinta ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta codka u qaaday gollaha wasiirrada cusub ee dhowaan uu soo magacaabay madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Lafta Gareen.

 Sida uu horay u shaaciyay guddoomiyaha gollaha baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif maanta oo arbaca ah ayaa xukuumadda cusub la hor geeyay baarlamaanka si ay codka ugu qaadaan.

Kulanka maanta oo ahaa kii labaad ee kalfadhiga 7-aad waxaa soo xaadirtay 124 mudane, iyadoo uu shir Gudoominayay Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo ah Gudoomiyaha golaha Wakiilada maamulka.

123 Xildhibaan ayaa codka Kalsoonida siisay Wasiirada cusub, waxaana diiday hal mudane, mana jirin cid ka aamustay codeynta.

Meelmarinta xukuumadda kaddib ayaa Madaxweyne Lafta Gareen wuxuu baarlamaanka uga mahadceliyay Kalsoonida ay sida aqlabiyada leh u siiyeen wasiirradiisa.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa baarlamaanka hortiis wasiirrada uga sheegay in shaqada laga sugayo xay u gutaan sida uu dhigayo dastuurka Koonfur Galbeed, waxaana uu ballan qaaday iney ka shaqeyn doonaan Amniga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu dhaariyay Wasiirada cusub ee maamulka Koofur Galbeed ee codka Kalsoonida la siiyay, iyadoo todobaadka dambe la filayo inay bilaabato xil la wareegistooda.

Horraantii bishaan ayaa madaxweynaha uu soo magacaabay wasiirro ka kooban 10 waxaana 13-kii bishaan Febraayo ayay ahayd markii uu dhameystiray gollihiisa Wasiirada, taasi oo ka kooban 48 oo kala ah; 23 wasiiro iyo 25 wasiiro ku xigeeno, iyadoo aanu jirin wasiiro dowlayaal.

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Muxuu isku casiley Wasiirka Arimaha Dibbed Soomaliland?

March 7, 2021
Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

March 6, 2021
Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

March 6, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In