Guddoomiyaha urur weynaha haweenka ee Puntland ka dhisan maama Khadra Jaamac Warsame oo ka hadashay kufsigii iyo dilkii waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay marxuumad Caasha Ilyaas Aadan ayaa sheegtay in falkaasi ay aad uga xun yihiin.
Waxay sheegtay in falka gabadhaasi 12 sano jirka ardayadda ahayd ay la kulantay fal wuxuushnimo ah oo ka baxsan xeerka beni’aadanimada.
Waxa ay ku baaqday in ay hesho cadaalad oo maxkamad la soo taago dambiilayaasha sidaasi u galay inanta yar oo sabiga ahayd.
Marxuumad Caasha Ilyaas ayaa meydkeeda la dhigay meel aan ka fogayn gurigeeda kaddib markii la kufsaday oo la dilay.
HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya