Nabadoon Cabdicasiis Yuusuf Xaarin oo kamid ah waxgaradka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan ay taageersan yihiin go’aanka maxkamadda gobolka Nugaal ay ka qaadatay dhallinyaro kufsi geysatay oo lagu xukumay dil toogasho.
Wuxuu sheegay in cid kasta oo kufsi geysata lagu xukumo dil toogasho si maaro loogu helo kufsiga.
Waxaa uu tilmaamay in kufsiga uu xal u noqon karo dil toogasho ah oo lagu xukumo cid kasta oo lagu helo inay geysatay falkaasi.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in guddigii loo xil saaray kiiskii kufsiga ahaa ee Gaalkacyo loogu geystay Caasha Ilyaas ay ka wada hadleen sidii cadaaladda loo waafajin lahaa dhallintii ka geysatay.
Tuhunsanayaal loo maleynayo in kufsigaasi ay geysteen ayaa iminka waxaa gacanta ku haya hay’adaha amniga ee waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.
HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:
BANDHIGA MEDIA
MUQDISHO, SOOMAALIYA