Hay’adda la dagaallanka HIV/AIDS-ka dowlad goboleedka Puntland oo loo soo gaabiyo (PAC), ayaa ka dalbatay laamaha amniga iyo xeer-ilaalinta Puntland in Virus-ka HIV laga baaro, dhammaan dadka ku eedeysan arrimaha kufsiga ee ku xiran xabsiyada.
Xafiiska agaasinka guud ee hay’adda PAC, ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in ay jiraan, dad la nool Virus-ka HIV oo ku eedeysan arrimo la xiriiro kufsi, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in xanuunka laga badbaadiyo dhibbanayaasha kufsiga loo geystay.
Hay’adda ayaa ka codsatay laamaha amniga iyo xeer-ilaalinta Puntland, in ay ogolaansho siiyan saraakiisha caafimaadka, si HIV looga baaro dhammaan eedaysanayaasha loo soo xiro arrimaha kufsiga.
HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA:

Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya