Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal C/raxmaan, ayaa Maanta kulan kula qaatay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan, dhiggiisa Dalka Qadar.
Mursal iyo Alsayid Axmed Bin Cabdalla Bin Zaid ayaa kulmay kaddib markii ay halkaa uga qeyb galeen shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta.
Kulanka ayaa waxay Labada Mas’uul uga wada hadleen xiriirka Labada Baarlamaan ee Soomalia iyo Qadar, danaha ay wadaagaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya.
Shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta ayaa Shalay ka furmay Caasimadda Dalka Urdun ee Cammaan.
Shirkani ayaa socon doonaa muddo Laba Maalmood ah, waxaana cinwaan looga dhigay Qudus waa Caasimadda soo jireenka ah ee Dowladda Falastiin.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya