Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray AddisAbaba ,iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ah ku yeeshay qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada AddisAbaba.
Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal oo uu ugu horeeyo Amniga iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka.
Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya