Taliyaha Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa Tababar u soo xiray Cutubyo ka mid Noqonaya Ciidamada danab xoogga dalka ee Qaybta 21aad, Galmudug.
Munaasabada waxaa Ka qayb
galay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Abaanduulaha
qeybta 21aad Xuseen Xoosh
Iyo Saraakiisha Danab ee qeybtaasi.
Ciidamada tababarka dhammeystay ayaa goobta ku marey Dhoolatus ka turjumaya tababarkii ay qaateen, iyagoo soo bandhigey xirfadaha la baray kuwaa oo Taliyaha xoogga uu ku bogaadiyey saraakiisha Soo Carbisey muddada dhowrka bilood aheyd ee tababarka ay ku Jireen.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle ayaa sheegay in ciidamadani uu u rajaynayo in ay gutaan waajibaadkooda.
Taliyaha Xoogga oo Goobta ka hadley ayaa ugu dambeyn Sheegey in Munaasabadan ay ka mid tahay Waxyaabaha marqaatiga u ah soo laabashada Cududii Ciidanka Xoogga Dalka.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya