Maalinta haweenka adduunka oo ay maanta ku beegan tahay 08-03-2019-ka ayaa lagu wadaa in xaflado lagu weyneynayo lagu qabto magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka.
8-da bisha Maarso ee sanad kasta oo xuskaan la qabto ayaa lagu soo bandhigaa horeumarrada dumarka ay ka sameeyeen nolosha iyo kaalinta ay ku leeyihiin qeybaha kale ee bulshada ama siyaasadda.
Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigaa sida dumarka Soomaaliyeed uheli lahaayeen xuquuqdooda iyo sidii looga hortagi lahaa gaboodfallada ay la kulmaan.
Haddaba, wararka la xiriira Munaasabadahani waxaa idiin kugu soo gudbin doonnaa wararkayaga dambe
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya