Sida ay sheegayaan wararka Raadiyaha Bandhiga ee magaalada Muqdisho uu ka helayo magaalada Beledweyne arday dhiganayay iskuulka Mujamac ee magaaladaasi ayaa arday kale uu ku dhex dilay fasalkii ay wax ku baranayeen.
Dilka ardaygan oo loo adeegsaday mindi ayaa sababay inuu dhaawacii soo gaaray u geeriyoodo.
Wararka ayaa sheegaya in ardayga midida lagu dhuftay uu waayay dhiig joojin iyo gargaar degdeg ah loo sameeyo kadidna, wuxuu u geeriyooday dhiig bax.
Ardayda wax ka baranaysa dugsiga Mujamac oo ah ardayga la diley iskuulkii wax ka baranayay ayaa dhigey dibadbax ay ugaga soo horjeedaan daawo la’aanta ka jirta magaalada Beledweyne.
Dilka ardaygan oo dhiganayay fasalka 3aad ee dugsiga sare ayaa aad uga xumaaday ardayda magaalada Beldweyne waxayna dalbadeen in sharciga la horgeeyo ardaygii ka dambeeyay dilkiisa.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya