Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee Dalka Uganda.
Mudane Maxamed Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa Kampala uga qeyb galaya maanta shir looga hadlayo isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda Afrika, baahida loo qabo in Afrika ay u midowdo kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Kampala inta uu joogo la kulmi doono Madax kala duwan, sidoo kale Madaxweynaha Uganda ayeey wada hadallo ku aaddan xiriirka labada Dal iyo wada shaqeynta dhinaca Iskaashiga oo Amniga uu ugu horeeyo ku yeelan doonaan halkaasi.
Sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa madaxda kale ee shirkaasi ka soo qeyb gali doonta.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya