Xildhibaan ka tirsan gollaha wakiillada ee baarlamaanka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray madaxweynaha Puntland oo ku aaddan eedeyn iyo hanjabaad uu u diray maamulka Hargaysa.
Mudane Axmed Maxamed oo baarlamaanka Somaliland kamid ah wuxuu ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda Bandhiga ee magaalada Muqdisho in aysan jirin dhul ay ku xadgudbeen balse ay difaacanayaan xuduudkooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxaa uu ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo u dhaxeeysa ciidamo kale taabacsan Somaliland iyo Puntland.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya