Abaaro daran oo sababay dhimasho, xanuunno iyo barakac ayaa ka jira degaanno kamid ah gobollada Mudug iyo Nugaal.
Degaannada kale ah; Mandhiciraan, Wadhiiqle, Kalakac, Balli Abees iyo kuwa kale oo dhammaantood hoostaga degmooyinka Xarfo iyo Burtinle oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa xilligaan waxaa ka jira abaar aad u asiibtay dadka iyo duunyada halkaa ku nool.
Dadka degaanka oo la hadlay idaacadda Bandhiga ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in arrintaan loo sababaeynayo roobkii deyrta oo yaraaday iyo dhulka oo iminka aanan la hayn baad iyo biyo toona.
Harraadka iyo dhibta ka jira degaannadaasi ayaa sidoo kale sabab u noqday in ay barakacaan tobaneeyo qoysas ah oo ku noolaa degaannada abaarta ay ka jirto.
Baaritaan ay sameeysay idaacadda Bandhiga ayay ku ogaatay in qiimaha biyaha iyo raashinkaba uu sare u kac ka jiro.
Qiimaha biyaha ayaa meel sare gaaray, waxaana booyada biyaha lagu kala gadanayaa lacag gaaraysa $150 taasoo ah qiimihii u sarreeyay.
Tani waxay sababtay in xoole lagu qaddaray 5,770 xoolo ah ay u bakhtiyeen biyo la’aanta iyo baad la’aanta awgeed.
Weli, lama soo sheegin dad u dhintay harraad ama baad la’aan degaannada iminka dhibta abaarta ay ka jirto oo dadka iyo duunyadaba asiibtay.
Puntland ayaa dhowaan soo saartay qeylodhaan la xiriirta abaaraha iyo biya la’aanta ka jira degaanno ka tirsan Puntland.
Hay’adaha Gargaarka ayaa loogu baaqay in ay si degdeg ah ugu soo jawaabaan dhulka biyo iyo baad la’aanta ah.

Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya