Toban askari oo ka tirsan ciidamada Afghanistan ah ayaa lagu dilay weerar ay Taliban ku qaadeen saldhig militari oo ku yaal koonfurta gobolka Helmand, sida ay saraakiisha ku sugan gobolka ay sheegeen. Kooxda Taalibaan ayaa dhufeys – yo ka sameysatay afaafka hore saldhig ku yaal degmada Sangin, ka dib qaraxyo iyo weeraryo isdaba joog ah ay ku qaadeen ciidamadii sugnaa goobta. Nawab Zadran oo ah afayeenka ciidamada Mawand ee koonfurta Afghanistan ayaa u sheegay warbaahinta in weerarka markii hore uu ka yimid dhanka ciidamada Taliban, halka ciidamadii ku sugnaa goobta ay iska caawin ka heleen, kuwii ku jiray gudaha saldhiga.
Wuxuu yiri 18 kamid ah askartii ku sugnayd saldhiga ayaa weerarka la kowsadeen, Afar askari oo ay ka mid ahayeen kuwa ku sugnaa afaafka hore saldhiga ayaa la dhaawacay. Afhayeenka gobolka Omar Zawak ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka ee AFP in weerarka uu dhacay, waxa uuna sheegay in askartii dhimatay uu asiibay qarixii xooganaa ee ka dhacay saldhiga. Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid qoraal lagu baahiyay warbaahinta ayuu ku sheegtey masuuliyada weerarka.
Weerarka ka socda Helmand wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ciidamada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahi ay u diyaar garoobayaan dagaal kale, xilli lagu jiro wadahadalada Mareykanka iyo Taliban ee lagu soo afjarayo rabshadaha Afghanistan. Talaadadii, todobo askari oo ciidamada Afghanistan, ayaa lagu dilay weerar ay Taliban ku qaadday saldhig ku yaal waqooyiga gobolka Balkh.
Xilliga qaboobaha ayaa waxaa caadiyan bata weerarada ay geysanayaan ciidamada Taliban, taas oo sabab u ah in ciidamada afgaanistaan ay ka baxaan goobihii ay kala wareegeen Taliban, qabow badan aawadii. Laakiin sannadihii la soo dhaafay, kala duwanaanshaha cimilada, ayaa keenay in weerarada Taliban ay bataan. Rabshadaha ayaa wali ka sii soconaya gudaha dalka afgaanistaan, iyada oo ay Mareykanka iyo Taliban ay ka wada xaajoonayaan wadahadallo aan toos ahayn oo looga golleeyahay sidii lagu soo afjari lahaa dagaalka socda ku dhawaad 20sano.