War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre oo lagu baahiyey warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in la hakiyay mashruuca horumarinta dowladaha hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo saaka la saxiixay.
“Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca horumarinta dowladaha hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada Maaliyadda dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Kheyre.
Sidoo kale warka Kheyre ayaa lagu sii yiri “dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada”.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la aaminsan yahay in uu mashruucan horumarineed siyaasadaynayo, isagoo qancinaya Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka soo jeedo, sidoo kale ka leeyahay qorshe siyaasadeed 2020-2021.
Bankiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya ayaa mashruucan bilowgiisii kala saxiixday 2014, xiligaas oo aysan jiran Galmudug iyo Hirshabeelle.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Howlaha Guud XFS iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay mashuuc ku kacaya 112 Milyan oo doolar oo lagu dhisi doono qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.
Mashruuca la saxiixay oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya oo kaashaneysa Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga fulin doonaa maagaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana maalgalinta bixiyey Bankiga Adduunka.
Wasiirada Maaliyadda dowlada goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Kunfur Galbeed ayaa dhawaan iyagana laga saxiixi doonaa mashruucan, sida uu sheegay Wasiir Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow.
Sidoo kale Wasiirka Howlaha Guud ayaa sheegay in qeybta labaad ee mashruucan laga fulin doono magaalo madaxdyada kale ee dowlad goboleedyada.
Mashruucan ayaa magaalo walba ka heshay qeyb ahaan 28-Milyan oo doolar.