Ciidamada dowlada Siiriya ayaa waxa ay gaareen duleedka magaalada Maaret al-Numan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen mucaaradka dowladda.
Waa magaalo muhiim u ah Asadka Suuriya, sida ay ku waramayaan dhamaan wargeysyada kasoo baxa dalka Suuriya manta oo axad ah.
Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn magaalooyinka ku teedsan waqooyi – galbeed ee Idlib, oo ah meesha ugu dambeysa ee xoogagga ka soo horjeedda dowlad oo ay hadda ka taliyaan.
Nidaamka asad iyo xulafadiisa Ruushku waxay sii kordhiyeen duqeyntoodii ka dhanka ahaa gobolka oo ay ka wadaan tan iyo bishii Diseembar, waxa ayna fuliyeen boqolaal duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay koonfurta Gobolka Idlib iyo galbeedka gobolka Aleppo ee deriska la ah magaaladani.
24-kii saac ee la soo dhaafay, ciidamada dhulka ayaa qabsaday toddobo tuulo oo ku yaal duleedka Maaret al-Numan, halkaasi oo muhiim u ah xulafada uu hogaamiyo Ruushka.
Hadda waxay gaareen “cidhifyada magaalada waxayna ku jiraan tuulo u dhow magaalada … rasaas aad u badan ayaa hadda socoto ayuu leeyahay Wariye ka tirsan wakaalada wararka ee AFP
Wargeyska Al-Watan ee u janjeera dhanka dawladda ayaa ku waramay in ciidamada daacada u ah taliska ciidamada dhulka ay kusii jeedaan geeska magaalada, iyagoo kusii durqaya afaafka hore ee magaalada.
Idlib iyo meelaha u dhaw ee gobolada Hama, Aleppo iyo Latakiya waxaa gacanta ku haya kooxda jihaadiyiinta ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), oo ay hogaaminayaan xubno ka mid ah kooxdii hore ee Al-Qaacida.
Nidaamka madaxweyne Bashar Al-Assad wuxuu dhowr jeer ku dhaartay inuu dib ula wareegi doono guud ahaan dalka Siiriya, in kasta oo heshiisyo dhowr ah oo xabbad joojin ah ay dhaceen.
Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegaya in Maaret al-Numan ay noqotay magaalo fawdo leh.
Ciidamada Asad, oo iyaguna la dagaallamaya jihaad doonka Hayat Tahrir al-Sham ee galbeedka Aleppo, ayaa ku taageeraya labada dhinacba weerarada cirka ee Suuriya iyo Ruushka.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo dagaalyahanno ah oo labada dhinac ka kala tirsan.
Tan iyo 1dii Disembar, ilaa 358,000 oo reer Suuriya ah ayaa ka barokacay guryahooda, badankooduna waa haween iyo carruur, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Xabbad-joojin ay ku dhawaaqday xukuumadda Moscow horaantii bishaan ayay ahayd inay ka difaacdo Idlib weerarro kale, laakiin xabbad joojinta weligeed kama dhicin Suuriya.
Hay’adaha gargaarka iyo kooxaha u dhaqdhaqaaqa arimaha Bani’aadamnimada ayaa ka digay in rabshado dheeri ah ay sii hurinayaan waxa laga yaabo inay noqdaan mowjadaha barakaca ee ugu weyn ee la arko intii lagu jiray dagaalka sokeeye ee sagaalka sano jirsaday.
Ciidamada dowladda Siiriya ayaa hadda gacanta ku haya qiyaastii boqolkiiba 70 dalka, Assad wuxuu dhowr jeer wacad ku maray inuu dib ula wareegi doono Idlib.