• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 21, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka oo la kulmay Ra'iisel wasaaraha Eithopia

February 19, 2020
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

 

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo saraakiil kale.

Booqashada Pompeo ayaa diiradda lagu saaray amniga, maal-gashiga, is-beddelada siyaasadeed ee Itoobiya iyo muranka Itoobiya kala dhaxeeya Masar, oo ay xulufo yihiin Mareykanka.

Ethiopia ayaa kadib kulanka sheegtay in Mareykanka uu qorsheynayo “in taageero maaliyadeed oo mug leh” uu siiyo Itoobiya, si loogu xoojiyo is-beddelada.

Ethiopia ayaa bisha August waxaa ka dhici doonta doorashooyin tijaabo u ah is-beddelada ra’iisul wasaare Abiy, taasi oo uu wacad ku maray inay noqon doonto mid xor iyo caddaalad ah.

“Doorasho xor ah oo la isku haleyn karo waxay muujin doontaa in qof kasta uu cod leeyahay,” ayuu Pompeo u sheegay weriyayaasha.

“Ma haysano wax khibrad dimoqraadiyad oo hore ah, balse waxaan masraxa u furi doonnaa dadka oo dhan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andargachew.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Masar ee ka dhalatay biyo-xireenka ay ka sameyneyso webiga Nile, kaasi oo ay kasoo horjeeddo Masar oo xulufo la ah Mareykanka.

“Waxaa weli jirta shaqo culus oo loo baahan yahay in la qabto, waxaanse ku niyad samahay in bilaha soo socda aan arrintan xallin doonno,” ayuu yiri Pompeo. “Heshiis kama dambeys ah ayaa la filayey bishan.”

Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka uu bixin doono 8 milyan oo dollar, oo lagu taageerayo ayaxa ka dillaacay Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

January 21, 2021
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

January 21, 2021
Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In