Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ka warbixiyay hawlgal culus oo Booliisku ka bilaabeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
hawlgalkaasi oo habeen ka hor ka bilowday Garoowe, ayaa Taliyuhu sheegay in lagu qabto dad ka badan 30 ruux oo ay ku tuhunsan yihiin dambiyo kala duwan, kuwaasi oo haatan ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, islamarkaana dhowaan sharciga la hor-gayn doono.
Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay dib u-habayn ballaaran oo ku socota ciidanka Booliiska Puntland, si loo helo ciidan Booliis ah oo tiro sugan leh.
Taliyaha oo la weydiiyay, waxa Puntland uga qorshaysan, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Gaalkacyo keento Booliiska gaarka ah ee loo yaqaanno HARAMCADKA? Ayaa waxaa uu ku jawaabay “ HARAMCAD haddii ay keenaan Shabeel baa u diyaarsan.”
Oo uu ula jeedo taliyuhu in Puntland ay haysato ciidamo awood leh oo iska caabin kara kuwa dowladda kuwaa oo loo yaqaan Shabeel
Dowladda Somalia ayaa ciidamadeeda gaarka ah u daabushay gobalka Gedo ee maamulka Jubbaland iyada oo laga cabsi qabo in ciidan ay gayso gobalada kale ee dalka oo ay ku jirto Puntland.