Waxaa maanta Villa Soomaaliya kulan ku yeeshay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa ahaa marti qaad xafiiska Ra’isul Wasaaraha u fidiyay C.C.Shakuur waxaana kulankooda ku saabsanaa xog wareysi iyo talo siin ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Cabdiraxmaan C.Shakuur ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray ”Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelanay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda. Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado.”
Maxamed Xuseen Rooble Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa muxaafidka , waxa uuna kala tashanayaa dhismaha Xukuumada cusub iyo arimo kale.
Mogadishu-Somalia