• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Tuesday, March 2, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Caafimaadka

Dhakhaatiirta oo sheegay finan iyo boogo maqaarka lagu arko oo calaamad u noqon kara cudurka….

October 22, 2020
in Caafimaadka
0
Dhakhaatiirta oo sheegay finan iyo boogo maqaarka lagu arko oo calaamad u noqon kara cudurka….

Dhakhaatiirta oo sheegay finan iyo boogo maqaarka lagu arko oo calaamad u noqon kara cudurka….

511
SHARES
1.5k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Boogo, barar iyo finan furuuruca oo kale ah oo uu maqaarka qofku yeesho ayaa ah calaamado ka xoog badan qufaca iyo xumadda oo lagu garan karo in qofku uu qabo Coronavirus. Xeeldheereyaal ka tirsan kuliyadda Kings college ee magaalada London ayaa baadhitaanno ay sameeyeen ku ogaaday in xaaladahan lagu arko boqolkiiba 9 ka mid ah bukaanka COVID-19, sidaas awgeed waxa ay in si rasmi ah loogu daro calaamadaha ay xeeldheereyaasha caafimaadku u aqoonsan yihiin Fayraska.

Xeeldheereyaasha ogaaday in xanuun maqaarka ahi uu ka mid yahay calaamadaha Coronavirus iyo xaaladaha uu bukaanka ku keeno, ayaa baadhistooda oo ay sii wadeen waxa ay xaddideen siddeed nooc oo ka mid ah xanuunnada maqaarka, oo lagu garan karo in qofku uu qabo Coronavirus.

Xaaladahan ayaa ah kuwo aan u gaar ahayn Coronavirus ka balse ay xanuun u eeg ama la mid ah xanuuno hore loogu yaqaannay maqaarka, sidaas awgeed waxa ay marar badan keeni kartaa jaahwareer uu dhakhtarku isku qaldo in xanuunkani uu yahay mid sidiisa u madaxbannaan oo ka mid ah xanuunnadaas la yaqaannay iyo in uu yahay raad ka dhashay Coronavirus.

Siddeeda nooc ee xaaladaha maqaarka uu Coronavirus ku keeno, ayaa ku soo ururaya in ay yihiin finan yaryar oo fururuc ah, finan waaweyn, barar, boogo casaan ama madow ah, dhiigroor daran, ama jidhka oo boogo gubasho oo kale ah yeesha.

Cilmibaadhayaasha arrintan ogaaday oo la shaqaynayey Iskaashatada dhakhaatiirta maqaarka ee dalka Ingiriiska ayaa ururiyey 400 oo sawir oo muujinaya boogaha maqaarka ka soo baxa ee Fayraska Coronavirus ku lammaan, kaddib markii ay la kulmeen kumannaan tusaale oo muujinaya jiritaanka xaaladdan. Sawirradaas oo muujinaya in xaaladdan inta badan lagu arko gacmaha oo ka bilowda faraha dhexdooda, faraha dushooda, baabacooyinka gacmaha dhabarkooda, jiqillada, cagaha qaybtooda sare, gaar ahaan faraha dushooda, dhudhunka lugta qaybtiisa eeda dambe ee muruqa leh, jilbaha, jilbaha laabatadooda dambe, laabta / shafka, dhabarka oo qaarka dambe u badan, raqabadda, indhaha dushooda, kilinkillooyinka, afka gudihiisa iyo debnaha. Boogahan iyo finankan ayaa leh xanuun badan, cuncun iyo kaar mararka qaarkood sida gubashada oo kale ah.

Baadhitaannada ay xeeldheereyaashani sameeyeen ayaa muujinaya in xaaladahan lagu arki karo guud ahaan dadka u uku dhaco Fayrasku da’ kasta oo ay yihiin ama si kasta oo ay xaaladdooda caafimaad tahay, laakiin sida ay khubaradu qireen waxa ay si gaar ah ugu badan yihiin carruurta, iyada oo marmarka qaarkood laga yaabo in aan wax calaamad ah oo kale lagu arkin.

Haddaba Coronavirus oo calaamadihiisu hore u ahaayeen qufac qallalan, xumad daran, cabbudh, neefta oo la qawado iyo dhadhanka iyo urta oo qofka ka taga, waxaa hadda kaddib ku soo biiraya in qofka lagu arko dhibaato dhinaca maqaarka ah.

Mogadishu-Somalia

Share204Tweet128Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Kenya oo ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwadda badda iyo inkale

ICJ oo ku dhawaaqday xiliga ay dhaceyso dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

March 1, 2021
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo soo saaray awaamiir la xiriirta COVID-19

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo soo saaray awaamiir la xiriirta COVID-19

March 1, 2021
Maxaa looga hadlayaa maanta shirka u socda musharaxiinta iyo xukuumadda?

Maxaa looga hadlayaa maanta shirka u socda musharaxiinta iyo xukuumadda?

March 1, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In