Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ka walaacsan yahay in Alshabaab ay awood ku yeelato Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya;
“Doorashadii goleyaasha sharci dejinta ee Soomaaliya waxaa loo muddeeyey sannadka 2021 ka. Waxa aan ka cabsi qabaa in aynu ku dambayno baarlamaan ay Alshabaab si dadban u maamusho, waayo waxa ay iibsan doonaan taageerada xildhibaannada” Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha Jabuuti kaliya ma ahan dadka ka walaacsan in Baarlamaanka soo socda ay ku milmaan Al shabaab waxaa fikradaas mid lamid ah qabo qaar kamid ah siyaasyinta iyo xildhibaanadda hadda jooga.
Si tan lamid ah waxaa jira walaac xoogan oo laga qabo in hay’daha dowladda ay ku dhex milmaan xubno Shabaab ah.
Mogadishu-Somalia