Musharax Madaxweyne Jabrill Ibrahim Abdulle ayaa kusoo wajahan Magaalada Muqdisho,maalinta Jimcaha ah .
Jabrill Ibrahim Abdulle ayaa ah musharaxa ugu shacbiyada badan Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Dalka.
Qabanqaabada soo dhaweyntiisa ayaa Muqdisho si wayn looga dareemayaa iyadoo la arkayo dhalinyaro, haween iyo odiyaal isku diyaarinaya iney ka qeyb galaan soo dhaweyntiisa.
Hadaba waa kuma Jibril Ibrahim Cabdule:
Jubril Ibrahim Xasan waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdishi 1969kii, isagoo isla magaaladan ku qaaday waxbarashada ilaa dugsi sare.
1990-1995: Cilmiga Sociology iyo Public Administration ayuu ka dhigtay Carleton Universiy, Otota ee dalka Canada isagoo heysta shahaadada koobaad ee Political science, waxaa uu si gaar ah ugu taqasusay xallinta khilaafaadka.
Mr. Jibril waxaa uu hadda madax ka yahay hey’adda Centre for Research and Dialogue (CRD), hey’addan oo ay wada aasaaseen isaga iyo Dr. Cabdiqadir Yaxye.
Murashaxan cusub waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay wasaaradda cadaallada Canada, Dowladda Sweden, Unicef iyo hey’ado kale.
Jibriil oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in hey’adda uu madaxka ka yahay ay saameyn ku leedahay wadanka oo dhan, ilaa 36 Nabadeyn ayey fuliyeen, Cilmi baaris badan ayey sameeyeen, Maamullada iyo dowlad goboleed ay ka mid tahay Galmudug ayey dhismaheeda ka qeyb qaateen, Dowladaha Soomaalida ee Kenya lagu soo dhisay waxaa ay ka qeyb qaateen ilaa howlo badan.
Lama oga waxaa uu ku soo kordhin doono masraxa siyaasadda iyo xitaa tartanka madaxtinimada oo haatan u muuqda mid meel xasaasi ah maraya.
Mogadishu-Somalia