In la kala diro dhammaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleedba,
In Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, uu magacaabo xubnaha gobolladaasi ku metelaya Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada Heer ee Federaal
In Dowladda Federaalka ah ay si deg deg ah ugala soo laabato maamulka sharci darida iyo ciidamada ay geysay Gobolka Gedo, si loo ilaayo midnimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu suuragasho qabashada doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee deegaankaas sida ku xusan heshiiska doorashooyinka.
In iyadoo la cuskanayo mabaadi’da ku xusan dhammaan faqrooyinka qodobka 127-aad ee Dastuurka KMG ah, uu taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu banneeyo xilka hoggaanka NISA, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib-u-doorashada murashaxa madaxweyne ee xilkiisu sii dhammaanayo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo sugo dhex-dhexaadnimada hay’adda NISA.
Goluhu wuxuu isku raacay dhismaha GUDDIGA BADBAADINTA DOORASHOOYINKA QARANKA oo ay xubno ka yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada sida ganacsatada, odayaasha, ururrada bulshada rayidka ah, culimada, haweenka, iyo dhallinyarada si loo xaqiijiyo samata bixinta dalka iyo qabashada doorashooyin heshiis lagu yahay, si xilliga kala guurka ah xasiloonida, amniga iyo midnimada dalka loo ilaaliyo.
Haddii Dowladda Federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.
Mogadishu-Somalia