• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Monday, January 25, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Xaliimo Aadan oo Diinta darteed uga hartay Fashion-ka

November 26, 2020
in Wararka
0
Xaliimo Aadan oo Diinta darteed uga hartay Fashion-ka
503
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xaliima Aadan oo ku caan baxday xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha kale, ayaa shaacisay inay ka hartay tartannada fashion-ka, maadaama uu meel ka dhac ku yahay Diinta Islaamka.

Gabadhan ka dhooftay xerada qaxootiga ee Kakuma, haatanna ku nool Maraykanka, ayaa farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram waxay ku sheegtay “inay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, oo ay hilmaamtay waxa uu u horseedi karo,”

Xaliima oo kamid ah gabdhaha ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku tagtay waddo lunsan, mararka qaarna aysanba salaadda tukan jirin.

Farriin kale oo ay soo dhigtay ayaa waxa ay uga hadashay inay garab la’aan ku heshay mihnaddaas, isla markaana aan fahan wanaagsan laga qabin dumarka xijaaban iyo dowrka ay ka qaadan karaan fashion-ka.

Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ayay marar badan ka codsatay inay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in “ugu dambeyn ay ku guulaysatay”.

“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,” ayay barteeda Twitter ku qortay.

Waraysi ay BBC Somali siisay dabayaaqadii 2019 xilligaas oo ay booqasho ku joogtay Kakuma ayaa waxa ay uga hadashay sida ay isugu dheellitirto shaqadeeda xayeysiinta iyo Diinteeda Islaamka.

“Ma jirto haweeney lagu qasbi karo inay xijaab xirato mana jirto haweeney lagu qasbi karo inay iska dhigt xijaabka”, ayey tiri.

Xaliima ayaa indhaha caalamka soo jiidatay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban kasoo muuqatay majalladda Vogue.

Tartanka Quruxda

Xaliima waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Tartankaas kuma aysan guuleysanin inay noqoto boqoradda quruxda, laakiin intii uu socday waxay baratay labiska lagu dabaasho, oo jirka oo dhan asturaya, una sahlaya inay dabaalato iyadoo aan qaawaneyn.

“Waxaan rabay inaan soo laabto oo aan gabdhaha kale u sheego inay dabaal aadi karaan iyagoo dharkaas xiranaya, si ay ciyaaraha uga qeyb qaataan”, ayey tiri.

Xilligaas waxyar kadib waxay qandaraas la saxiixatay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca xayeysiinta, oo lagu magacaabo IMG models.

Xigasho: BBC Somali

Mogadishu-Somalia

Share201Tweet126Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in gacanta lagu dhigay 100 kamid ah ciidamada Jubbalnad

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in gacanta lagu dhigay 100 kamid ah ciidamada Jubbalnad

January 25, 2021
Jubbaland oo sheegtay iney iska caabisay maleeshiyaad laga keenay Muqdisho lana wareegay Balad-Xaawo

Jubbaland oo sheegtay iney iska caabisay maleeshiyaad laga keenay Muqdisho lana wareegay Balad-Xaawo

January 25, 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaal ka dhacay degmada Balad Xaawo

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaal ka dhacay degmada Balad Xaawo

January 25, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In