Siyaasiga Faarax Macallin oo u dhuul daloola siyaasadaha gobolka Geeska Afrika, ayaa aragtidiisa ka dhiibtey sida looga guulaystey jabhadda Tigreega ee TPL oo haatan u muuqata gabbal sii dhacaya.
”TPLF waxay horay ugu faaneen in dagaalku uu hab nololeed iyaga u yahay. Maxay kaftameen!!,” ayuu yiri Faarax Macallin.
”Waxay u jabeen nooc taariikhda ciidamada ku geli doonta hooyadii guuldarrooyinka oo idil,” ayuu daba dhigay.
Wuxuu isku dayey inuu sidoo kale iftiimiyo sababta ay Tigreegu markii horeba Itoobiya u qabsadeen iyo waxa suurageliyey.
”Waxay soo fuuleen dhabarrada dagaal yahannadii Eritrea si ay uga adkaadaan nidaamkiii DERG-ga 30 sanadood kahor. Hadda waa carari karaan uun!!!” ayuu ku dooday siyaasiga Faarax Macallin.
Mogadishu-Somalia