• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 21, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Guddiyada Doorashooyinka ee lagu mursan sanyahay oo soo saaray Qodobo cusub

December 1, 2020
in Wararka
0
Guddiyada Doorashooyinka ee lagu mursan sanyahay oo soo saaray Qodobo cusub
498
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Qoraal maanta ka soo baxay guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ayaa lagu faah faahiyay waxyaabihii u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal oo labadii toddabaad ee u dambeysay shirar joogta ah kulahaa Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu guddigan ka kooban yahay xubno ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka yimid Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna ka dhashay Heshiiskii Siyaasadeed eeMadaxda labada heer ay ku gaareen mag aalada Muqdisho 17kii Sebteembar

2020.

Magacaabista Guddigan waxey timid kaddib markii habraacyadii heshiiskaas la dhammeystiray, ay ansixyeen labada Aqal ee Barlamaanka JFS, uuna saxiixay Madaxweynaha.

Taniyo intii uu Guddigan hawshiisa guda galay, waxaa noo qabsoomay inaan dhammeystirno qodobadan.

1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga

Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka

Somaliland iyo Banaadir.

2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay

doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo

shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.

4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada

Doorashada.

5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Waxaa kale oo aan hadda gacanta ku haynaa shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku

dhacdo.

Waxaa hawlaha haatan socda kasoo qeybgalay kooram gaaraya 20 xubnood oo kamid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Guddiga intii uu shaqeynaayay wuxuu xiriiro joogta ah la yeeshay qaar kamid xubnaha 4ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Xubnahaas walaalaheen ah ee magacaaban balse aan soo xaadirin

kulamada waxay qaar kamid ah noo sheegeen in ay nagu soo biiri donaan marka ay ogolaansho ka helaan Madaxdooda.

Haddaba, annaga oo og in muddo bil ah uu jiray, haddana jiro dib u dhac jadwaleed oo saameeyay waqtiyadii loo ballansanaa in doorashada loo dareero,

waxaan rabnaa inaan mar kale ku baraarujinno in ay sida ugu degdegsan noogu

soo biiraan maadaana ay maalmo kooban uun ay naga xigto xilliga loo asteeyay doorashada Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa oo diyaarinteeda aan hadda guddi u saarnay.

Waa muhiim ah xilligan adag inaana waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin.

Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

Wabillaahi Towfiiq

Mogadishu-Somalia

Share199Tweet125Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

January 21, 2021
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

January 21, 2021
Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In