• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 21, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Madaxweynaha Jubballand oo ka hadlay go’aankiisa ugu dambeeyay ee doorashada Federalka iyo sida loo wado

December 1, 2020
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubballand oo ka hadlay go’aankiisa ugu dambeeyay ee doorashada Federalka iyo sida loo wado
497
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed maxamed Islaam ayaa maanta Khudbad u jeediyay Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland iyo hay’adaha Dowlada.

Kulankan oo ahaa mid uu Madaxweynahu Bulshada iyo hay’adaha Dowlada kula wadagaayo xaalada uu dalka marayo ayaa waxaa ka qaybgalay Haween dhalinyaro culimo siyaasiyiin Aqoon yahano iyo masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubaland iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah waxaana ugu horayn Madaxweynahu uu ka hadlay Xaalada amaanka isagoo sheegay in maalmahii lasoo dhaafay Kooxda Al-Shabaab ay culays soo saareen deegaanada Jubaland isla markana ay fuliyeen falal amaanka lid ku ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in shacabku ay laba jibaaran wada shaqaynta hay’adaha amaanka taas oo uu sheegay Madaxweynahu in habacsanaan ay ka jirto Wuxuu Madaxweynahu intaas ku daray in hubka sharci darada ah aan la ogolayn cidii lagu helana talaabo laga qaadi doonoDhamaan Bulshada ayuu Madaxweynahu kala dardaarmay khatarta qabyaalada isagoo xusay in Midnimo lagaga gudbi karo caqabadaha taagan wuxuuna ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland inay gacmaha is qabsadaan wuxuuna xusay in figradaha kala duwan iyo aragtiyada siyaasiga ah aan marnaba lagu lamaanayn karin qabyaalad taas oo bulshada sii kala fogaynaysa.

Hay’adaha Dowlada ayuu Madaxweynahu sheegay in ay doorkooda qaatan oo wacyi galinta bulshada ay xooga saaran isagoo sheegay in qaar badan oo shacabka kamid ah lagu marin habaabinayo waxyaabo aan sal iyo raad lahayn oo qabyaaladu ay ugu weyntahay.

Arimaha Doorashooyinka ayuu sheegay in ay Jubaland ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka ay ugu dhici lahayd qaabkii lagu heshiiyay iyadoo dalkeena ay astaan u tahay in afartii sanaba hal mar Doorashooyin la aado isagoo sheegay in ay Jubaland xaq u leedahay inay maamusho doorashooyinka ka dhacaya deegaanka.

Madaxweynaha yaa intaas ku daray in isku tanaasulka iyo wadar ogolka ay asal u yihiin doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca si taas loo gaarana ay muhiim tahay in heshiiyadii la galay la fuliyo gaar ahaana in gudiga doorashooyinka Jubaland iyo Wasaarada Arimaha gudaha looga baahan yahay inay tagaan goobta labaad ee loo asteeyay doorashada Baarlamaanka Federaalka ah.

Madaxweynaha ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan Madaxda Dowlada kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan sidii lagu yaqaanay figradaha xagjirka ah ee Argagixisada wax loo dulqaadan karana aanay ahayn.

Mogadishu-Somalia

Share199Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

January 21, 2021
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

January 21, 2021
Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In