Kulan ay maanta Hotel Decelle ku yeesheen guddiyada doorashooyinka iyo xalina khilaafadka ayaa waxa ay halkaa ku doorteen gudoomiye iyo ku xigeen.
Guddiga Doorashooyinka ayaa waxa ay guddoomiye u doorteen Maxamed Xasan oo helay 17 cad halkii musharaxii la tartamayay Liibaan Abuukar uu ka helay 3 cod
Doorashadan ayaa waxaa codeysay labaatan xubnood oo ka mid ah Guddiyada Doorashooyinka ee uu dhowaan kmagacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.
Sidoo kale Guddiyada Doorashooyinka ayaa Mowliid Mataan u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka Soomaaliya iyadoo uu xilkaas kula tartamay Musharax Yuusuf Maxamed Kheyre.
Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddigaan oo ku xareysan Hotel ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona lagu sheegay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.
Doorashada ay hogaan ku doorteen guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo jadwalka doorashada ee hore loogu heshiiyay uu ka muuqdo dib u dhac weyn.
Mogadishu-Somalia