• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 21, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo Soo Saartay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shirkadaha Soomaaliya

December 28, 2020
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga XFS oo Soo Saartay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shirkadaha Soomaaliya

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo Soo Saartay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shirkadaha Soomaaliya

495
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya ee sharci lambar 18 oo la soo-saaray 26-kii bishii 12-aad 2019 isla-mar-ahaantaana noqon doona xeer lagu dhaqan-geliyo sharciga shirkadaha kaasi fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.

Kulankaan lagu saxeexayey Xeer-nidaamiyaha, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadfda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, la-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo markii uu saxeexay sharcigaas ka dib, la hadlay warbaahinta, ayaa ka waramay ahmiyadda uu xeer-nidaamiyahani u lee yahay ganacsiga Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax-soo-saarka iyo maal-gashiga sidoo kalena horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha wadanka.  Isaga oo sidoo kale na carabka ku dhuftay in xeer-nidaamiyahani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsatadu adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iyaga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda shaqo.

Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-gelinaayo sharciga Shirkadaha Soomaaliya oo muhiim u ah fududeynta iyo horumarinta ganacsiga, ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana si wada-jir ah iskaga kaashaday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda IFC kaasi oo gebo-gabadii na ku soo dhammaaday si guul ah.

Mogadishu-Somalia

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Dowladda Federalka iyo hogaamiyeyasha mucaaradka oo loo diray codsi ku aadan 2021

Dowladda Federalka iyo hogaamiyeyasha mucaaradka oo loo diray codsi ku aadan 2021

January 21, 2021
Maxey kawada hadleen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe?

Maxey kawada hadleen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe?

January 21, 2021
Gudoomiyihii degmada Hodon oo lagu dilay Muqdisho

Gudoomiyihii degmada Hodon oo lagu dilay Muqdisho

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In