Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uu kulan kula qaatay Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo Wafdigiisa ay Qeyb ka ahaayeen Madax ka Socday Hay,addaha IOM iyo OCHA
Kulanka ayaa inta uu Socday Waxaa looga Hadlay Arimaha Gargaarka,Saamaynta Ayaxa,iyo Arimaha Doorashooyinka.
Lafta Gareen ayaa dhawaan sheegay inuu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya Soomaaliya isagoo xusay iney ka go’antahay inuu labada dhinac isku soo dhaweeyo.
Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa isna dhankiisa wada dadaalo uu isugu keenayo dhinacyada isku haya dalka.
Mogadishu-Somalia