Dagaal ayaa hada ka socda meel u dhaw Magaalada Bacaadweyne, waxaana dagaalkan uu udhaxeeya dadka deegaanka iyo Mililteriga Dowlada oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii dhowr hoobiye lagu tuuray magaalada Bacadweyne afafkeeda hore, waxaase madaafiicdaas ku baxay Ciidan ka tirsan Militeriga Soomaaliya, iyagoona dagaal la galay Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale dadka degaanka ayaa dagaalka ku biiray.
Magaalada Bacaadweyne waxaa ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Sanetor Cabdi qeybdiid iyo Xubno ka tirsan Galmudug.
Shalay ayey aheyd markii Al shabaaab ay gudaha suuqa Bakaaraha ku dileen Laba odiyaal oo diidanaa in Al shabaab ay la wareegaan deegaanka Baaacadweyn.
Mogadishu-Somalia