• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 21, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Sections

Muqdisho Oo Yeelan Doonta Garoon Diyaaradeed Labaad Oo Casri Ah

August 24, 2018
in Sections
0
493
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
MUQDISHO (Bandhiga Media) – Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa, wafdi ka socda shirkad shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo AVIC (Aviation Industry Corporation of China), taas oo ka shaqeysa hawlaha la xiriira duullimaadyada diyaaradaha iyo horumarinta garoommada.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Garoonka Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro heshiis ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda AVIC.

Heshiiska oon ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacin, waxay xogaha hordhaca ah ee warbaahintu heshay sheegayaan in uu khuseeyo dhismaha garoon cusub oo magaalada Muqdisho yeelan doonto.

Wafdiga Shiineyska ah oo Arbacadii shir la qaatay Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar , waxay sida qorshuhu yahay maanta oo Jimce ah la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkadda AVIC ayaa horay heshiis ula gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo heshiiskaasi sidii loogu talo galay u fuli waayey.

Heshiiska oo ahaa in AVIC ay Soomaaliya keento laba diyaaradood oo nooca rikaabka ee MA60 loo yaqaanno ah, uma dhicin sidii la qorsheeyey, kaddib ismaandhaaf soo kala dhex galay Agaasimihii Somali Airlines ee xilligaas Maxamed Guuleed iyo Wasiirkii Duulista ee markaas shaqeynayey, Cabdullaahi Ciilmooge.

Shiinaha ayaa labadii sano ee u dambeeyey kordhiyey dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo midka diblumaasiyadeed ee uu la leeyahay Soomaaliya, waxaana jira mashaariic badan oo shirkado Shiinaha ka diiwaan gashani ay dalka Soomaaliya ka fuliyeen, tan iyo sannadkii 2016.

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

January 21, 2021
C/xakiin Dhagajuun

Odiyaasha Gudoomiyahii degmada Hodan oo go’aan qaatay iyo Xildhibaan Mahad Salaad oo eedeyn u jeediyay Cumar Filish

January 21, 2021
Dowladda Federalka iyo hogaamiyeyasha mucaaradka oo loo diray codsi ku aadan 2021

Dowladda Federalka iyo hogaamiyeyasha mucaaradka oo loo diray codsi ku aadan 2021

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In