Garoonka Banadir Stadium ee dhaca Degmada Cabdicasiis waxaa galabta laga daari doona shuclada tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Caadiyan Tartanka Degmooyinka waxaa ka qeyb gala 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana la qabtaa sanadkiiba mar.
Sanadkii dhammaaday waxaa tartankan ku guuleysatay degmada Waabari kadib markii ay ka taqalustay degmada Hodan, waxeyna aheyd ciyaar taariikhda gashay maadama finaalka la ciyaaray habeen mudo dheer kadib.
Waxaa galabta lagu daah furi doona degmooyinka kala ah Waabari iyo Dharkeynley, kuwaaso diyaar garow xoogan u soo galaya tartankan.
Dharkeynley ayaa sanadkii la soo dhaafay waxey ku hartay wareega 8-dhammaadka kadib markii ay Rigooroyin uga adkaatay degmada Karaan.
Waabari waa Champions Tartanka Degmooyinka, waxayna iminka maanka ku hayaan sidii ay ku difaacan lahaayeen koobka.
Degmooyinka ayaa sidan la isugu aadiyay:
Ogeysii Ciyaarta:
Tartanka: Degmooyinka G/B
Kooxaha: Waabari Vs Dharkeynley
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30
Qiimaha Garoonka: Lacag La’aan
Jawiga: 28° /24°C