Joh McCain oo ahaa siyaasi caan ah kana tirsanaa Aqalka Sare ee Congresska Maraykanka, ayaa geeriyoodey gelinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd.
Qaar kamid ah xubnha qoyskiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in McCain oo 81 jir ahaa uu ku geeriyoodey gurigiisa ku yaalla deegaanka Cornville ee gobolka Arizona.
Bishii July sannadkii 2017 ayaa laga helay buro maskaxda ah, isagoo ilaa iyo xilligaas la siinayey daryeel caafimaad. Intii lagu guda jirey sannadkan 2018, santor McCain sababo caafimaad dartood marna ma imaan magaalo madaxda Maraykanka ee Washington DC.
McCain oo horay uga mid ahaa ciidamada Maraykanka kahor intaanu kusoo biirin siyaasadda, wuxuu muddo soddon sano ka badan Aqalka Sare u metelayey Xisbiga Jamhuuriga.
Doorashada madaxtinimada ee dalka Maraykanka ayaa looga adkaaday sannadkii 2008, markaasoo ay tartamayeen murashaxii Xisbiga Dimuqraadiga ee markii dambe madaxweynaha loo doortay Barack Obama.
Sidoo kale, wuxuu sannadkii 2000 u tartamay murashaxa madaxtinimada ee doorashada Xibisga Jamhuuriga dhexdiisa, inkastoo uu guul darreystey kaddib markii la doortey George W Bush.
McCain ayaa lagu xusuusan doonaa inuu ahaa nin aad u dhaliila siyaasadda Madaxweyne Trump, si weynna taageero ugu muujin jirey maamulka Israel.