Baarlammaanka Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee shalay ansixiyey madaxweynaha kumeel gaarka ah Mustaf Maxamuud Cumar, kaasoo ay afar beri kahor soo magacaabeen Guddiga Fulinta ee Xisbiga Dimuqraadiga Deegaanka Soomaalida (ESPDP).
Xildhibaannada ayaa shalay oo Axad ahayd isugu yimid kulan deg deg ah, saacado kaddib markii ay Jigjiga gaareen wafdi uu hoggaaminayey Madaxweyne Mustaf, oo ay qayb ka ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka kala tirsan Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida.
Baarlammaanka Ismaamulka Soomaalida ayaa sidoo kale isla shalay xasaanadda kala laabtay toddoba xildhibaan oo ay ku jiraan madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirro ay kamid yihiin wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad iyo wasiirkii hore ee caddaaladda Cabdijamaal Axmad Qaloonbi.
Xubnaha xasaanadda lag qaaday waa:
1- Cabdi Maxamuud Cumar
2. Raxma Maxamad Haybe
3. Deeq Buraale.
4. Cumar Rooti
5. Cabdijamaal Axmad Qaloombi
6. Ibraahim Aadan Sacab
7. Ibraahim Carab
Kulanka aan caadiga ahayn ee Baarlammaanka Deegaanka Soomaalida waxaa sidoo kale lagu laalay 99 degmo iyo 20 ismaamul magaalo oo Madaxweynihii Hore ee Cabdi Maxamuud Cumar soo magacaabay, kuwaasoo golohu ansixiyey July 31, 2018.
Waa markii ugu horreysey ee Mustaf Muxumed booqasho ku tago Jigjiga, tan iyo markii ay si kumeel gaar ah xilka madaxweynaha ugu soo magacaabeen Guddiga Fulinta ee Xisbiga Dimuqraadiga Deegaanka Soomaalida (ESPDP).
Ammaanka magaalada Jigiga ayaa shalay aad loo adkeeyey, iyadoo ay si wadajir ah nabadgelyada u wada sugayeen Milateriga Dowladda Federaalka iyo ciidamada Ismaamulka Soomaalida ee Liyu Police.