many ayaa khamiistii tababare Unai Emery xafiiskiisa kula yeeshay wada hadalo ku aadan inuu door cusub kooxda uga ciyaari doono kaddib markii la badelay kulankii ay guul darada 3-2 kala kulmeen Chelsea.
Kubbad qaabeeyaha usbuuciiba ka qaata Gunners adduun dhan 350,000- oo bound ayaa sheegay inuu aad u xanuunsan yahay jimcihii isla markaana uusan tababarka qaadan Karin isagoona mid aan la heli Karin iska dhigay ciyaartii ay Arsenal Sabtidii la yeelatay West Ham.
“Waxaan kala hadlay isaga waxyaabo ku saabsan Taaktikada kulankan iyo kulankii la soo dhaafay. Wuxuuna sheegay inuu xanuunsan yaha, ” Emery ayaa sidaa daaha ka rogay.
“Jimcihii, kaddib wada hadaladii aan yeelanay Khamiistii, wuxuu sii waday inuu sheegto xanuun. Waxaan la hadalnay dhakhtarka wuxuuna go’aansaday inay u fiican tahay inuu guriga iska joogo Ozil. Isla markaana uu imaan karo haddii uu caafimaad dareemayo Sabtida.”.
Inkastoo ay jirtay in Xanuun yaab leh uu sheegtay Ozil misane wuxuu waqti la qaatay ciyaartoyda.
Tababare Emery ayaana hadalkiisa ku daray: “Luqadeyda Ingiriiska ma fiicna laakiin midan ayaan doorbidayaa, haddii uu caafimaad dareemayo halkan ayuu nala joogayaa innaga ee guriga ma ahan.”.
Waa markii 7-aad uu Ozil Jiro kaga maqnaado Arsenal ha ahaato mid dhab ah ama mid been abuur ah.