Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Salaad Xasan ayaa Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan kula kulmay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub.
“Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Xiriirka Soomaaliya iyo dowlad Japan oo maraya heer bilow ah ayaa waxaa jira heshiisyo horumarineed iyo deeqo ka yimaadda dalka Japan.
Sanadkan aynu ku jirno waxaa dib loo furay 27 a no Karin xarunya shirkadda baabuurta Toyota we magaalada Muqdisho.