Ciidamada booliska Soomaaliland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa iyo qeybo ka mid ah deegaannada Soomaaliland ayaa gacanta ku soo dhigay dhalinyarro la sheegay in gaadiidka xadi jiray.
Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliland, generaal Cabdulahi Fadal Imaan ayaa sheegay in howlgallada lagu soo qabtay 20 dhalinyaro ah kuwaasoo gaadiidka ka xadi jiray magaalada Hargeysa iyo qeybo ka mid ah Soomaaliland.
“Howlgalladan ciidamada ay fuliyeen waxaan ku soo qabanay 20 dhalinyarro ah oo gaadiidka xadi jiray, qaarkood ujeedadooda waxa weeye inay kala baxaan biraha yar, falalkan inta badan waxay dhacaan maqribkii iyo cishaha, labadii bilood ee la soo dhaafay waxaan qabanay ilaa 40 baabuur oo la xaday”ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliland.
Generaal Fadal ayaa shacabka Soomaaliland ka dalbaday inay ilaashadan gaadiidka si looga hortago kooxaha ku howlahan dhaca gaadiidka iyo dhibaateynta shacabka.
Shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland ayaa cabasho ba’an ka muujiyey falalkan ammaanka lidka ku ah ee ay ku kaceen dhaliyaradaan.
Magaalada Hargeysa iyo deegannada Soomaaliland ayaa waxaa bilihii la soo dhaafayay ku soo badanayay gaadiidka la xadayo.