Marka (Bandhiga Media): Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka Ciidamada DFS ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaaladaasi.
Xaafadaha sida gaarka ah howlgallada looga sameeyay ayaa ka mid ah Xaafadda Haaf-Ruusi, iyo Buulo-Jaam oo ka tirsan magaalada Marka ee gobolka Sh/ Hoose.
Sida aan wararka ku heleyno Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku soo dhigay in ka badan 30 Qof , kuwaas oo inta badan laga soo aruuriyay xaafadihii howlgallada laga sameeyay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku sugan Marka oo BM ay la xariirtay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan howlgalladaasi.
Balse ilo deegaanka ah ayaa sheegay in howlgalladan ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaana ay tilmaameen in dhalinyaradii la qabtay qaarkood la sii daayay, kadib baaritaano lagu sameeyay.
Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamo uu watay Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xogga C/laahi Cali Caanood ay gudaha u galeen magaalada Marka ee gobolka Sh/ Hoose.
Bandhiga Media 2018