Hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Right Wach ayaa sheegtay in xariga loo geystay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar u bilow wanaagsan u yahay caddaaladda dhibaanayaashii lagu xadgudbay intii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida.
‘Waxaan rajeynayaa, in xiritaanka Cabdi Maxamuud Cumar ay tahay bilawga caddaaladda dhibanayaasha dembiyada culus ee ka jira gobolka Soomaalida ee Itoobiya, saraakiisha kale ee tageeray ama amartay xadgudubyada, oo ay ku jiraan dembiyo ka dhan ah bani’aadanimada iyo dembiyo dagaal, waa in sidoo kale lala xisaabtamaa’ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay HRW.
Hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaaalka Itoobiya inay hubiyaan in maxkamaduhu ay yihiin kuwo hufan, caddaalad ah, iyo in dhibanayaasha iyo markhaatiyasha ay ku marqaati furi karaan iyaga oo aan cabsi ka qabin aargoosi.
Xafiiska xeerilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo heysto gabood fallo ka dhan ah bini’aadamka.
Ciidamada booliska dowladda federaalka Itoobiya ayaa maalintii shalay xabsiga dhigay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar kaasoo dhowr isbuuc ku jiray xabsi guri.