Falal dhac iyo boob isugu jiro oo loo geysanayo ganacsatada ajaaniibta ah ee ku sugan Magaalada Soweto ee Dalka Koofur Afrika ayaa lagu soo waraamayaa iney ka bilowdeen dalkaasi.
Falkan dhaca ah ayaa xoogeystay kadib markii labo ruux oo ka mid ah dadka reer Soweto la diley iyagoo doonayay inay dhac u geystey goob uu ganacsi ku lahaa muwaadin Soomaali ah oo ka mid dadka ku ganacsada Soweto.
Dad u badan dhalinyaro ayaa ku qamaamay goobaha ganacsatada ajaaniibta ah iyagoo dhammaanba qaadanayay wax walba oo goobtaas ay ka helaan.
“Illaa 15 ruux oo Soomaali ah ayaa dhaawacyo ka soo gaartay falkan boobka ah ee bilowday shalay waxaana laga yaabaa inay sii kororto.”ayuu yiri Suldaan Ducaale oo ka mid ah ganacsatada la boobay hantidoodii.
Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ay baaq u direen dowlada Soomaaliya inay kala hadasho xukuumada Koofur Afrika sidii loo joojin lahaa falalka boobka ah ee loo geysto Soomaalida ku nool Koofur Afrika.
Sanad walba ayaa waxaa lagu dilaa dalka Koofur Afrika tobanaan ganacsato Soomaali ah kuwaasoo lagu weeraro goobahooda ganacsi.
Bandhiga Media 2018