• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Thursday, January 21, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Ciidamada Booliiska DF Oo Gacanta Ku Dhigay Burcad Dadka Dhici Jiray

August 31, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ciidamada Booliska saldhigga degmada Waaberi ayaa xalay fiidkii gacanta ku dhigay mid ka mid ah Saddex nin oo dhac u geystay shacabka qaar ee ku dhaqan gudaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Saddexdan nin ayaa telefoonada gacanta ka soo dhacay shacab ku nool Waaxda Hantiwadaag ee degmada Waaberi, waxayna wateen ilaa Laba Bastooladood oo dadka ay ku handadayeen.

Qabashada mid ka mid ah raggan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay isku dayeen inay telefoonka ka dhacaan wiil uu dhalay Sarkaal NISA ka tirsan oo degan degmada Waaberi, balse waxa ay iska caabin kala kulmeen askari ilaalo u ahaa sarkaalka oo fadhiyay banaanka guriga, waxaana dhexmartay is rasaaseyn.

Ciidamada Booliska degmada Waaberi ayaa ku baxay rasaasta ka dhacday gudaha degmada, waxayna ugu dambeyn ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah Saddexda nin oo watay Bastoolad.

Ninkan ayaa lagu xiray saldhigga Booliska degmada Waaberi halkaasi oo ay isugu yimaadeen dadweyne fara badan oo qaarkood laga soo dhacay telefoonadooda gacanta, kuwaasi oo la diiwaangeliyay si loogu baadi goobo telefoonadooda, sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa ku daba jira ragga kale ee baxsadka ah.

Kooxaha burcada ah ee ku hubeysan Bastooladaha ayaa xaafadaha qaar ee degmooyinka gobolka Banaadir waxa ay xilliyada habeenkii dhac ugu geystaan dhalinyarada telefoonada ku isticmaasha gidaarada xaafadahooda, inta badan ma suuragasho in gacanta lagu dhigo.

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

Maxey kawada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Q.M?

January 21, 2021
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo laalay qaraaro adag oo Trump uu gaaray

January 21, 2021
Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

Taliyeyaal ciidan iyo askar xabsiga loo dhigay dilka gudoomiyihii degmada Hodon

January 21, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In